|

Ciidamada Itoobiya oo toogtay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland .

Tog-Wajaale-( ShinileNews ) – Ciidamada Itoobiya ee ilaaliya xuduuda u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya siiba Magaalo xuduudeedka Wajaale ayaa la sheegay in xalay tacshiirad huwiyeen Askar Booliisa oo roondo ah oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland ee Saldhiga

Wajaale.  xinsrc_322010424044562520791
Wararkan oo aanu ka helay dad goobjooga ahaa oo ku sugan magaalo xadeedka Wajaale ayaa noo xaqiijiyey in Laba Askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska Somaliland ay Rasaas la heleen ilaalo Itoobiyana oogaaf wareegaysay xadka kala badha Wajaale.
Wararku waxay intaasku darayaan in labadaa Askari ee rasaasta lagu furay dhaawacmeen,laguna dhaawacay Daanta Wajaale Itoobiyaanku xukumaan.
Isku soo wada duuboo Dawlada Itoobiya ayaa dhawaan soo dhoobtay Ciidamo faro badan xuduuda ay la wadaagto Somaliland,baadhitaano xoogana ku samaysa dad iyo Gaadiid wixii xagooda u talaabaya ama ka soo talaabayba tan iyo markii Dawladaha Britain iyo Maraykanku soo saareen digniino ay u jeediyeen muwaadiintooda ku sugan gudaha Somaliland,kula taliyeen inay isaga arimo amni awgeed.

ShiniileNews

Comments are closed