1 1 1
 
|

Golaha Ammaanka ayaa ka doodi doono dalabka ah in dib loo dhigo dacwadda maxkamadda adduunka ee ka dhanka ah madaxda Kenya.

Uhuru 

Golaha Ammaanka ayaa ka doodi doono dalabka ah in dib loo dhigo dacwadda maxkamadda adduunka ee ka dhanka ah madaxda Kenya.

Dalabkan ayaa ah in maxkamadda dambiyada caalamiga ay muddo sanad ah dib u dhigto dacwadda ka dhanka ah madaxda Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo, ku xigeenkiisa, Wiliam Ruto ayaa loo haystaa dacwad ah in ay ka dambeeyeen rabshadihii xigay doorashooyinkii 2007-da.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale loo haystaa in ay geysteen dambiyo ka dhan ah aadanaha intii ay socdeen rabshadahaasi.

Madaxda Africa

Uhuru iyo Ruto labaduba way iska fogeeyeen eedeymahaas.

Dalka Ruwanda ayaa qaraarkaasi qabyada ah hor geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxda Afrika ayaa shir ay ku qabteen magaalada Addis Ababa waxay uga codsadeen Golaha Ammaanka inuu dib u dhigo dacwadda ka dhanka ah madaxda Kenya.

Dad kor u dhaafayo 1000 ruux ayaa ku dhintay qalalaasihii xigay doorashooyinkii dalka Kenya sanadkii 2007-da.

N16.bmp1

Comments are closed