1 1 1
 
|

Gabaygan waxaa la yidhaahdaa WAX AAN IS WEYDIINO

gabay

 

 

 waana fikradii

Abwaan Maydhane Samatar Faxal oo ka mid ah abwaanadda iyagu aamusnaa Tobankii sanno ee u danbeeyey. Maydhane isaga oo ka hadlaaya axsaabta kala duwan Ee ku loolamaysa doorashooyinka Baarlamaanka ee Djibouti, waxa uu yidhi:

 

Xisbiyadan is weeraraya ee nin iyo waax dooni

Ee waranka iyo wadhaf sitoow weedh yar iga hooya

War la’aan la daris weeye waxaad isku wiiqdeene

Waxba weel ha tolanina warbaa ii carceera ahe

Wuu iniga wajacay shicibkan aad hawl u wadataane

Galinbay is weydiinayeen kee wadadda haysta

Oo ay waraysi u galeen kii waxtar u yeelan

Wareegtaddii la diray shalay waxaa war iga soo gaadhay

Ka weynaanay wiil na xodxotiyo waab laygu hodayo

Waxa maanta loo wacayi waawayne kii haw doorto

Kii kalena weel madhan ha sido waa war lays faraye

Waxaad weerarka u wada tihiin harig riyaad weeyye

Hadaan weysha qaadhka u xidhooy nabaddu waarayso

Waxba yuu bulshada wada xodxodan wiil xag wax u wadiye

Is waafaqa walaalnimo kulmiya tallo wadaag yeesha

Anigoo warkii shicibka iyo weedha ka hadlaaya

Oo weli warkii sii watiyo wax aani odhanaayo

Waxaan la hadlayaa waa raggii hawshan soo wadaye

Adduunyadan wareegsani arladan weyne ku abuuray

Nin waliba dadkiisuu wataa oo war ka hayaaye

Waab loo hadheeyuu galoo kii waqtigu leecshey

Wadankani Jabuutiyee inaga waaxid nagu beeray

Miyuuna waajibkaa iyo lahayn xeer wadanni dhawra

Iyadoon wadeeciyo ahayn hadal xumaan weyn leh

Wax inaan is weydiini waa waajib na hor yaalle

Hashan weyrax waxay wiilkii jirey ugu widhiidhyeyso

Waraabuhuna waaxda ugu weyn haw walwaalanayo

Bal raggii aan wax u dhiibanoow war iga soo siiya

Dadkiinoon war laga hayn wax nool iyo wixii tegey

Oo waaxo raba kala wilqamooy gaajo weerar galisay

Oo waraabuhu ku cuno warqyadaa baadha

Iyo waaxyadaa dadarto iyo weeca iyo duuda

Oo aan war laga hayn arladan in uu wadanni joogo

Waxan goorta lays weeraree ragg isku weyseysto

Ee la iigu weyrixi sidii waxaro kuu oodan

Bal raggii wax aan u dhiibanoow war iga soo siiya

 

Waraabahaaba goortuu wax helo taba walaalkiiye

Idinna wehel idiin taree wax aan idiin dhiibno

Sidii wiilal boojimo wataad wadhi tidhaahdiine

Dadka waa la beertaa kolkaad hawl-wadaag tahaye

Weji shicibkan uma dhigan hadana weli nigama quusan

Xeerkii wadanigu uu lahaa waa la fulin dooni

Ninba meel ha weeraraba waa waajib na hor yaalle

Warwarka idin haystiyo hadaan kolkaan wiiro niga dhowno

Een waranka nii dhiibno waa kala wareegiiyo

Warna layska haynayn ilaa wiigga kale imanne

Balse waxaan ni weydiinayaa waa warsi ileyne

Wadankani waraabuhu cunee wiirada u jooga

Ee uu wadanigii ku qaday waajibka u yeeshey

Eed war kastaba ugu xidheen ey wah kugu soo leh

Bal waxaan ka weheshado eed qaban war iga soo siiya

Waa daantan weylihii gabtee wali aan jiideyno

Siduu weyne geel uga cabana bal is yar weydiiya

Wadeecadan wixii keenay ee waariyada gooyey

Ee hoos inoo sii wadana bal is yar weydiino

 

Intaasi waa warkii beesha waxan wiilasha u tuuray

Dadweynahana waxaan idhi anoo wax u tilmaamaaya

Wayway hadhow inaad tidhaa waa wax kuma taalle

Imikuu wakhtigu dhowyahaye wax aan is weydiino

Weel qudha inagoo wada ahoon ruuxna naga weecan

Wexeenaa halkaan marino iyo ka iwadi doona

Ee aan wanaag ugu hurrana bal aan is weydiino

Waakan qalan waglada loo tumi ee uu nin iyo waax haysto

Adigana waxba ay kuugu jirin bal aan is weydiino

Waayeelkii reerahani furay waxa wadeeceeyey

Ee weyd waxba aan qaban ka dhigay bal aan is weydiino

Bulshadii aan waafiga ku waday anay wax kala soorto

Waxan weyrixii ugaba’ay ee weelka ku hagoogey

Ee ay la wada foorartanna bal aan is weydiino

Dhamaanteen wixii dana dadyohow bal is yar weydiiya.

 

 

Sidaa iyo nabad gelyo,

 

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan dadka xiiseeya suugaanta ama

Akhrisan doona gabaygan WAX AAN IS WEYDIINO.

 

Waad mahadsan tihiin.

 

 

 

 

 

N16.bmp1

Comments are closed