1 1 1
 
|

Beesh ciisow salaam horta iga gudoon,buraanbur

maqaal 2

Beesh ciisow salaam horta iga gudoon

Saylac mug weynay salaan diiran naga gudoon

Oo ciisahaa dunida meel kastaba ku nool

Odayada ciise ee salldhigoodu saylac yahay

Xildhibaanada ciise xeerka garanayow

Xeer ilaalayaasha manta ciise u kacoow

Talabdaad qaadeen iyo tooshku noo iftiin

Allaha barakeeyo balaayada la ga xijaab

Oo ciise wuu ogyahay dadaalkiina badan

Waxaad habeen iyo dharaar dhibka ugu jirtaan

Sidaad dhulkeena dhurwaayada uga dhabtiin

Xaqii wuu dilaacayoo xasidkii dhamaa

Wakaa sanduuqii xeebta lagu dhexriday

Ilaah baa xaakimee xeebtu soo tufteeTaariikhd ma duugoowde adduunka ha loo bandhigoCiiso waligaaba foojignoow oo xeebta ilaali iyo xuduudahaaga badanWixii ku soo doonta warankaaga kaga shaqee

Wiilashii u shihiiday saylac shalay

Kuwii dhiigooga u qubay dhulkooga wacan

Taariikh lama ilawaana baa u tall Ciisow

Taalo dheer saylac uga talaal
Intana waxay ku saabsan tahay arrima bulshada ee beesha ciise weyne
Geesiyaasha gobolkooga u duubtayoow

Oo Been ta la maleegaayo xabadka udhigoow

Kuwii gardarada gaashaanka u daruurayow

Ilaahay idankii guulaysta goor walbab

aOo ciise weyme garabkiinu taagan yahay

Taariikhda adduunka baal dahab baad gasheen

Ciisow ka shaqeeya Selel horumarkeed

Ciisow ka shaqeeya bulshadaada horumarkeed

Iskuulo furtoo Cusbitaalana ku dara

Warhooy dadweeynaha dantooda horey u mari

Badaa baaxada weyn waa in lagu balamo

Kaluunka ka soo dabtoo maahi yeyna jirin

Wixii dhul ka soo baxaa baahi kaga baxdaa

Beeraha u dareera yaambada laba boglee

N16.bmp1

Comments are closed