1 1 1
 
|

Puntland TV oo saacado kadib hawada dib ugu soo laabtey Warbixin

TV-ga

Ciidamo ka tirsan Dowlada Puntland ayaa Barqadii Maanta waxa ay xoog gudaha ugu galeen TV/Raadiyaha Dowlada Puntland iyagoo joojiyey shaqadii ka socotay TVga iyo Radiyaha hawadana ka saaray TV/raadiyaha sidoo kale waxay goobta ka soo saareen shaqaalaha warbaahinta dowlada oo xilgaa kuguda jiray shaqada warbaahinta.

Ciidamadan ayaa ku sugnaa saacado badan Tvguna uu hawada Ka maqnaa, sababta ay ciidamadan gudaha ugu galeen xarunta warbaahinta dowlada ayaan cadayn, balse iyagoo ku sugan xarunta ayaa si kormeer ah loogeeyey ciidamo dowlada oo la soconayey dhaqdhaqaaqa ciidamada.

Waxgarad, Nabadoono iyo Cuqaal Puntland ah ayaa dadaal u galay sidii Tv-ga iyo xarunta ay uga saari lahaayeen ciidamada Gacanta ku dhigay, waxay hadalo wakhti qaatay la yeesheen kooxda ciidamada ee gudaha u galay iyagoo wakhtigii dambe ee Galabta ku guulaystay in ay ka soo Saaraan ciidamadan la wareegay Xarunta TV-ga iyo Idaacada dowlada.

Hawada waxaa hada ku jira Tv-ga shaqaalahii warbaahinta dowlada waxa ay dib u galeen shaqada warbaahinta dowlada Puntland iyadoo shaqada hada ay tahay mid caadi ah oo sidii hore Ku soo laabatay hadana waxaa si toos ah hawada ugu jira oo la daawanayaa TV-ga Dowlada Puntland.

Shalay ayaa xilkii laga qaaday Agaasimihii hore TV/raadiyaha Dowlada Puntland Axmed Kismaayo, waxaan sidoo kale loo soo magacaabay C/fataax Nuur Ashkir Agaasimaha TV/raadiyaha Puntland. Waraysi uu bixiyey Axmed Kismaayo Agaasimaha xilka qaadey ayuu ku sheegay in aanu waxba ka garanayn ciidankan ee ay cabashooyin kale qabaan

N16.bmp1

Comments are closed