1 1 1
 
|

Shiniile Sport: Kenedy Oo Ku Biiray Tababarka Chelsea iyo u Diyaar Garawga Ciyaaraha Cusub ee Sanadan

article-3165727-2AA2802400000578-634_636x342

Da’ yarka reer Brazil Kenedy ayaa ka mid ahaa 24 ciyaaryahan oo Chelsea oo tababar ku sameeyay Daraad  oo jimco aheyd magaalada Montreal iyadoo Jose Mourinho uu kooxdiisa leyliyay labo jeer si ay taam ugu noqdaan xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.

Chelsea ayaa diyaargarowgooda xilli ciyaareedka bilowday ka dib inta badan markii ay kooxaha kale tababarka ku soo laabteen laakiin macalinka reer Portugal ayaa ku amray ciyaartoydiisa inay taam ahaanshahooda sarre u qaadaan ka hor kulanka ugu soo horeeya xilli ciyaareedka ee ay bisha danbe la ciyaarayaan Swansea City.

2AA2428F00000578-3165727-image-a-67_14371607817782AA2410300000578-3165727-image-a-52_14371605596762AA240E100000578-3165727-image-a-90_14371615623832AA243C700000578-3165727-image-a-49_1437160497980

Tababarkii gelinkii hore ee shalayto oo jimce aheyd waxaa lagu soo daray Kenedy kaasoo ay kooxdiisa Fluminese ay u ogolaatay 19 jirkaan inuu ku biiro tababarka kooxda heysata horyaalka Ingariiska ka hor inta uusan heshiis 6.3 milyan ginni ugu wareegin Stamford Bridge.

Kenedy ayaa tababarka kula biiray xiddigaha ay isku wadanka yihiin ee Ramires iyo Oscar halka Felipe Luis iyo Willian ay kooxda ku soo biiri doonaan marka ay arbacada tagaan magaalada New York iyagoo isla habeenkii ay Blues la ciyaari doonto New York Red Bulls.

2AA240E900000578-3165727-image-a-73_14371609254262AA2410B00000578-3165727-image-a-70_1437160832353

Waxaa ugu sii xigi doona kulamo ay la ciyaarayaan PSG iyo Barcelona ka hor inta aysan koobka Community Shield la ciyaarin Arsenal, kulankooda ugu danbeeya ee saaxiibtinimo ayaana ah kulanka ay Stamford Bridge ku soo dhaweeynayaan Fiorentina.

Laakiin waxaa qariib aheyd in leyliyaha goolhayayaasha Christophe Lollichon inuu tababarkii gelinkii hore ku hogaamiyay Thibaut Courtois, Asmir Begovic iyo Jamal Blackman meel gawaarida la dhigto oo u dhow xarunta tababarka halkaas ay ku sameynayeen jimicsiyo kala duwan sida jaranjaro la karo ama booditaan ka hor inta aysan ku biirin tababarka kooxda inteeda kale.

2AA1F90300000578-3165727-image-a-75_14371612129802AA1F8FF00000578-3165727-image-a-76_14371613047652AA1F90C00000578-3165727-image-a-79_14371613528212AA1F96A00000578-3165727-image-a-80_1437161386470

N16.bmp1

Comments are closed