1 1 1
 
|

Tababaraha Man United oo Sheegay in uu ku Qanacsanyahay Kooxdiisa

Tababaraha kooxda Manchester United ayaa sheegay in uu ku qanacsanyahay weeraryahanadiisa.

Kooxda ayaa diyaar u ah in ay ku nasiibsato caafimaadka weeraryahankooda Wayne Rooney, waxaana laga yaabaa in aysan soo iibsanin ciyaaryahano horleh oo afka hore uga dheela.

Javier Hernandez iyo James Wilson ayaa ah weeraryahanada dhabta ah ee u hadhay kooxda Manchester United kaddib markii uu kooxda ka tagay Robin van Persie oo ku biiray kooxda Fenerbahce.

Weeraryahan Radamel Falcao ayay isna u dhamaatay amaahdii uu kooxda kula joogay.

Tababare Boss Louis van Gaal waxa uu ka baaraandagayaa in uu Rooney ka dhigo dhaliyaha ay kooxdu ku tiirsantahay, isaga oo gacan ka helaya ciyaaryahanka ay kooxdu xagaagan soo saxiixatay ee Memphis Depay.

Van Gaal meesha kama uusan saarin soo iibsasho layaableh.

N16.bmp1

Comments are closed