1 1 1
 
|

Shiniile Sport:Waa Kee Weeraryahanka Qarsoodiga Ah Ee Ay Man United Lasoo Saxiixaneyso? David McDonnell Ayaa Ka Jawaabaya

Llorente

Todobaadkaan saxaafada Ingiriiska ayaa hadal heysay – hadal – yar oo ay ka qabteen Shir jaraa’id oo uu tababaraha Man United ku qabtay dalka Mareykanka kaas oo uu ku shaaciyay in kooxda ay soo xerogalin doonto weeraryahan lama filaan ah.

David McDonnell oo ka tirsan Daily Mirror ahna wariyaha uga soo waramaya Manchester ayaa daboolka ka qaaday weeraryahanka ay kooxdaan Old Trafford ka dhisan lasoo saxiixaneyso ee layaabka leh.

David McDonnell wuxuu soo qabtay Fernando Llorente oo ka tirsan kooxda Juventus wuxuuna ku tilmaamay xidiga qarsoodiga ah ee ay United lasoo saxiixaneyso.

30-jirkaan reer Spain ayaa la hadal hayaa inuu isaga tagayo kooxda Juventus madama uusan hubanti u aheyn booskiisa koowaad kadib saxiixyada Mandzukic, Zaza iyo Dybala.

Llorente xagaagii lasoo dhaafay safka hore ma uusan aheyn laba sano oo uu ku sugnaa kooxdaan wuxuu saftay 90-kulan isagoo dhaliyay 27-gool.

Si kastaba David McDonnell ayaa ku qoray Daily Mirror in Fernando Llorente uu yahay saxixia layaabka leh ee xagaagan imaan doona Old Trafford si uu kooxda kaga caawiyo dhanka weerarka.

Miyuu Goolhaye David De Gea Taam U Noqon Karaa Kulanka Barcelona? Van Gaal Ayaa Ka Jawaabaya

Man Utd v Everton

Louis Van Gaal ayaa rajeynaya in goolhayaha aan wali mustaqbalkiisa la saleynin ee David De Gea ay macquul tahay inuu wajaho Barcelona kulanka labaad ee koobka International Championship Cup kaas oo dhici doona sabtida soo aadan.

Goolhayahaan reer Spain ayaa si ba’an loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid xagaagan, sidoo kalana wali kulan kama soo muuqan kulamadii fasaxa ee ay ciyaartay Red Devils kadib dhaawac soo gaaray.

Si kastaba De Gea ayaa goob joog u ahaa kulankii ay kooxdiisa 3-1 ku qaarijisay San Jose aroortii hore maanta, waxaana Van Gaal uu warbaahinta u sheegay kadib kulanka in De Gea ay macquul tahay inuu safto kulanka soo aadan ee Barcelona.

Sidoo kale Louis Van Gaal ayaa beeniyay iney kooxdiisa qarka u saaran tahay iney soo iibsato weeraryahan sidii la hadal hayay maalmihii ugu dambeeyay.

N16.bmp1

Comments are closed