1 1 1
 
|

Shiniile Sport:Paris Saint Gemain oo La Filaayo in Dhawaan ay ku Dhaaqdo Saxiixa Di Maria

Hadaba Waqtiga Ay Paris Saint Germain Ku Dhawaaqi Doonto Saxiixa Angel Di Maria waa goorma ?

Di Maria

Sida ay shaaciyeen warbixino ka imaanaya faransiiska kooxda Paris Saint Germain ayaa ku guuleysatay saxiixa garabka Manchester United Angel Di Maria.

France Football ayaa ku warantay in Man United ay aqbashay dalab 65 Malyan Oo Euro ah oo u dhiganta 45.5 Malyan Oo Pound kaas oo kaga yimid kooxda reer France ee ku ciyaarta Parc des Princess.

27-jirkaan reer Argentina wuxuu 12-bilood ka hor kaga yimid kooxda Manchester United dhigeeda Real Madrid wuxuuna noqday xidigii ugu qaalisanaa ee ay koox British soo iibsato madama uu Old Trafford ku yimid aduun dhan 59.7  Malyan Oo Pound.

Ku darso in Paris Saint Germain ay waqtigaas ugu cad-cadeed saxiixa Di Maria balse xeerka dhaqaale wanaagsa UEFA ayaa u diiday iney sameyso saxiixiisa, inkastoo xagaagan ay la saxiixan karaan.

Xog u gaar ah Starsports ayaa shalay lagu sheegay in agaasime xigeenka kooxda PSG Olivier Letang uu todobaadkii hore usoo duulay London isagoo wadahadalo la qaatay madaxa fulinta kooxda United Ed Woodward.

France Football waxey shaacisay in berito [Jimco] ah ay Paris Saint Germain ku dhawaaqi doonto saxiixa Di Maria marka ay wax walba soo afjaraan.

Paris Saint Germain waxey khamiista soo aadan koobka IIC ku wajahi doontaa Manchester United.

Dhanka kale Man United waxaa si ba’an loola xiriirinayaa Pedro Rodriguez kaas oo noqon kara badalka Di Maria wuxuuna ku imaan karaa Old Trafford 22 Malyan Oo Pound.

Ugu dambeyntiina Man United ayaa haatan mareysa 77 Malyan oo Pound oo ay suuqa ku bixisay waxeyna kusoo iibsatay Depay, Bastian, Morgan iyo Darmian.

Barcelona Oo Ka Duushay Los Angeles Iyada Oo Ku Sii Jeeda San Francisco Oo Ay Sabtida Kula Ciyaari Doonto Kooxda Manchester United.

b

Kooxda Barcelona ayaa ka duushay Los Angeles waxayna kooxda Enrique ku sii jeedaa San Francisco oo ay sabtida kulan xiiso iyo xamaasad badan kula ciyaari doonto kooxda Manchester United. Inkasta oo ay Barcelona ka maqan yihiin ciyaartoy muhiim ah ayuu haddana Luis Enrique kooxdiisa tijaabin doonaa marka ay sabtida ka horyimaadaan kooxda Louis Van Gaal.Gerard Pique iyo Marc Bartra ayaa markiiba baraha bulshada soo dhigay sawirka diyaarada oo ay saaran yihiin.
pique-and-bartra-board-1437590470246

Marka ay kooxda Barcelona gaadho San Francisco ayay shir jaraa’id qaban doonaa Ivan Rakitic iyo Sergio Busquets halka ciyaartoyda Barcelona degi doonaan Hotel ka ST.Tegis kaas oo ku yaala suuqa koon fureed ee magaaladan.Barcelona ayaa ciyaari doonta kulankeedii labaad ee International Champions Cup iyada oo kulankii hore guul 2:1 ah ka soo gaadhay kooxda LA Galaxy.

suarez

Guushii ay kooxda Barcelona ka gaadhay kooxda horyaalka Maraykanka ee LA Galaxy ayay goolasha udhaliyeen Luis Suarez iyo Sergi Roberto.Kulanka Barcelona iyo Man United ayaa xiiso gaar ah yeelan doona marka uu Van Gaal ka horyimaado kooxdiisii hore ee Barcelona.bb

 

N16.bmp1

Comments are closed