1 1 1
 
|

Shiniile Sport:Man United oo Ku Haminaysa in Ronaldo Markale Soo Caga Dhigto Garoonkooda

Real-Madrid-v-Roma

Manchester United ayaa dooneysa inay dib u la soo wareegto xiddigii magaca ku sameystay Old Trafford ee Cristiano Ronaldo, iyadoo kooxda ay dadaal weyn ugu jirto inay dhisto koox ku guuleysan karta horyaalka, sida ay saaka qortay jariirada Daily Mirror.

United ayaa ka shaqeyneysa wax noqon kara heshiiskii ugu qaalisanaa ee ay kooxda sameyso oo ay ku soo celineyso Ronaldo ka dib lix sanno ka hor markii uu heshiis rikoorka adduunka ah ugu biiray Real Madrid.

Inkastoo ay United dhameystirtay saxiixyada Memphis Depay, Matteo Darmian, Bastian Schweinsteiger iyo Morgan Schneiderlin, kooxda ayaa dooneysa inay sameyso sidoo kale saxiix magac weyn sida saxiixii ay sameeyeen sannadkii hore ee ay kula soo wareegeen Angel di Maria.

United ayaa isku dayday inay la soo wareegto Ronaldo sannadii 2013 markii uu kooxda maamule ka ahaa David Moyes, si kastaba xiddiga seddexda jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa markaas saxiixay qandaraas cusub oo dhacaya 2018.

30 jirkaan ayaa dhaliyay 117 gool mudadii lixda sanno aheyd ee uu la joogay kooxda Manchester United.

Mourinho Oo Hoos Udhigay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay New York Red Bulls Isaga Oo Kulamada Xili Ciyaareedka Ka Horeeya Ku Tilmaamay Kuwo Khiyaali Ah

Mourinho

Tababaraha kooxda Chelsea ee Jose Mourinho ayaa kulamada xili ciyaareedka ka horeeya ku tilmaamay kuwo khiyaali ah. Mourinho ayaa hadalkan sheegay kadib markii ay kooxdiisa Blues guuldaro 4:2 ah kala kulantay kooxda New York Red Bulls.

Inkasta oo kooxda horyaalka Ingririiska difaacanaysa ee Blues ay guuldaradan la kulantay ayuuna Mourinho ka walwalsanayn arintan wuxuuna isaga oo kulamada xili ciyaareedka ka horeeya ka hadlaya uu yidhi: “Kulamada xili ciyaareedka ka horeeyaa waa khiyaali, haddii ay fiican yihiin iyo haddii ay xun yihiinba. Haddii aad aad u xuntahay waa khiyaali haddii  aad u fiican tahayna waa khiyaali”.Tababaraha ree Portugal ayaa sidan warbaahinta u sheegay.44
Mourinho oo hadlayay kulankii ay guuldarada la kulmeeyeen ayaa yidhi: “Kooxdii aanu qaybtii danbe ku ciyaarnay may difaacan karin. Red Bulls aad ayay ugu sahlanayd, fursad kasta oo ay helaan gool ayuu ahaa.
“Qaybta danbe maanu haysan dareenka soo jeeda ee aanu u baahanayn inaanu kubbada ku ciyaarno”.

Mourinho ayaa markii hore shaxdan ku soo galay : Courtois, Ivanovic, Zouma, Cahill, Azpilicueta, Fabregas, Mikel, Moses, Oscar, Traore, Remy.  Inkasta oo uu qaybtii hore ku soo galay shax aad u adag ayuu haddana qaybtii danbe isbadal wayn ku sameeyay.

Shaxdii qaybtii danbe ay Chelsea ku ciyaartay: Begovic, Ania, Zouma, Terry, Azpilicueta, Matic, Ramires, Oscar, Loftus Cheek, Hazard, Costa.

Chelsea ayaa kulanka xiga la ciyaari doonta kooxdii Champions Leaque-ga xili ciyaareedkii hore ka reebtay ee PSG wuxuuna Mourinho amaan u soo jeedayay ciyaartoyda kooxda Paris Saint-Germain kuwaas oo ay sabtida ku kulami doonaan North Carolina.

Mourinho oo PSG ka hadlaya ayaa yidhi: “PSG  waxay haysataa ciyaartoy tayoleh, in aanu iyaga la tababaranaa waa fursad aad noogu fiican ah”. Dhinaca kale Radamel Falcao oo ay Chelsea kula soo wareegtay heshiis amaah hal xili ciyaareed ah ayaa la midoobay kooxdiisa Blues isaga oo markii ugu horaysayna tababarka la qaatay.Falcao

Ugu danbayn kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay 18 jirka ka tirsanaa kooxda Partizan Belgrade ee Danilo Pantic kaas oo markiiba amaah loogu diray kooxda Vitesse. Chelsea ayaa warkan ku cadaysay barteeda twitter ka iyada oo ku soo qortay: “kooxda kubbada cagta Chelsea waxa ay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo inay la soo saxiixatay Danilo Pantic , ciyaartoygu wuxuu markiiba hal xili ciyaareed oo amaah ah ugu biiri doonaa kooxda Vitesse”.Danilo pantic

N16.bmp1

Comments are closed