1 1 1
 
|

Shiniile Sport:Real Madrid Oo Soo Diiday Dalab 120 Milyan Ah Oo Laga Soo Gudbiyay Cristiano Ronaldo.

Real Madrid Oo Soo Diiday Dalab 120 Milyan Ah Oo Laga Soo Gudbiyay Cristiano Ronaldo.

1437894901_819305_1437894982_noticia_grande

Madrid ayaa diiday dalab rasmi ah oo 120 milyan euro ah oo ka yimid kooxda Paris Saint-Germain kuwaasoo doonayay Cristiano Ronaldo, sida ay qoreen wargeysyada ugu waa weyn Bariga Dhexe. Heshiiskaas ayaa noqon lahaa saxiixii ugu qaalisanaa taariikhda kubada cagta, madaama uu ka badan yahay lacagtii 100ka milyan yuro ee ay Real Madrid ka soo bixisay Bale.

Sida uu qoray wargeyska Rotana, milkiilayaasha kooxda PSG ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kula kulmay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez 4tii bishaan July, waxaana ay u gudbiyeen dalab ay ku doonayeen xiddiga reer Portugal.

Carabta iska leh PSG ayaa ku fekerayay markaas in madaama Ancelotti laga ceyriyay kooxda in CR7 uu doonayo inuu koox bedesho taasoo ay u sii dheereyd in madaxa Madrid ay muhiimad gaar ah siiyeen Bale.

Dalabkaas waxaa macquul ka dhigay lacagta kaashka ah ee ay hayaan qoyska boqortooyada Qatar ee iska leh PSG iyo weliba in UEFA ay xayiraadihii suuqa kala iibsiga ka qaaday kooxda Faransiiska.

Sidoo kale wargeyska Mlaib ayaa sheegaya in madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi inuu si dhow u la socday wararka Ronaldo ee ku aadanaa inuusan ku faraxsaneyn kooxda. PSG ayaana dooneysa inay ka faa’ideysato isbedeladii kooxda soo maray.

Arabic Sports ayaa iyadana sheegeysa in madaxweynaha PSG uu diidmo qayaxan kala kulmay Floretino kaasoo u sheegay dhigiisa in qandaraaska Ronaldo lagu burburin karo kaliya HAL BILYAN YURO.

Cristiano ayaa qandaraas kula jira Real Madrid ilaa iyo 2018 waxaana uu mushahar ahaan u qaataan 21 milyan euro.

Eden Hazard: Waa Qasab Inaan Dhaliyo 50 Gool Xilli Ciyaareedkii Si Aan Ugu Heer Noqdo Messi Iyo Ronaldo.

50-defining-moments-of-the-season

Eden Hazard ayaa doonaya inuu qiil u helo isbarbardhiga lagula sameeyo Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo xilli ciyaareedka danbe.

24 jirkaan oo ku guuleystay xiddiga sannadka horyaalka Ingariiska ayaa yiri: “Haddii aan doonayo inaan gaaro heerkooda waa qasab inaan dhaliyo 40, 50 gool kaliya hal xilli ciyaareedk.

“Xilli ciyaareedkii hore waxaan dhaliyay 17 gool. Malaha waa wax fiican laakiin ma ahan wax igu filan.

“Sidee ayaan ku sii fiicnaan karaa? Hamigeyga waa inaan dhaliyo goolal badan, waa inaan abuuro fursado badan, waana inaan ku guuleysto koobab badan.”

Hazard ayaa ku hogaamin doona kooxda Chelsea difaacashada horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedka soo socda, waxaana ay kulankooda ugu danbeeya ee booqashadooda dalka Mareykanka ay la ciyaari doonaan Chelsea habeenka talaadada.

N16.bmp1

Comments are closed