1 1 1
 
|

Xulkii ugu Adkaa Kubada Cagta ee Gobolka Selel oo isku Diyaarinaya Ka Qaybgalka Koobka Gobolada Somaliland.

Salal(SHN)Xulka kubada Cagta ee Gobolka Salal oo Maalmihii u dambeeyay tabobar ku qaadanayay Degmada Boon ee Gobolka Salal ayaa udiyaar ah inay guul ka soo hoynayaan tartanka ciyaaraha Goboloda ee Dhawaan ka bilaabmi doona Magaalada Borame oo ay ku kulmayaan Gobolada Galbeedka Dalku.
Ciyaaryahanadan oo sida la sheegay mudo loo carbinayay sidii ay guul uga soo hoyn lahaayeen Ciyaaraha kubada Cagta ee Gobolada Dalka Balse waxaa jira duruufo adag oo ku gadaaman Xulka Gobolka Salal kuwaa soo daruuri ah inay helaan Ciyaar yahanadu ka hor intayna bilaabmin ciyaaraha goboladu oo ku beegan bisha 10/09/2015 keeda.Xidhibaan Axmed-yaasiin Muxumed Barkhadle oo ka mida Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Saylac islamrkaana ah Gudoomiyaha Gudida Ciyaaraha Gobolka Salal ayaa sheegay inay maanta rajaynayaan inay guul ka soo hooyaan Tartanka ciyaarah Gobolada Dalka,waxaanu taasi ku sifeeyay inay haystaan dhalinyaro aad uga duwan ciyaaryahanadii horay ugu ciyaari jiray Gobolka xag caafimaad (Sida Balwada) xag xirfadeed iyo xag maskexeedba sidaasi darteedna guulfilayaan.
geesta kale Xildhibaanku waxa uu sheegay inay jiraan baahiyo horle oo haysta Xulka ku waasi oo kala ah qalabkii ciyaaraha(Kubado,Kabo iyo Garamaan) waxa kale oo uu sheegay mudada tababarka lagu jiro inayna haysan dhaqaale ku filan baahida ciyaartoyga marka laga reebo sadexda waqti taayina ay caqabad ku tahay dadaalka ciyaartoyga waxaana loo baahanyahay in loo helo dhiirigelin dhaqaale si kor loogu qaado awooda ciyaaryahanka mana jirto cid aan sileenahay waad ka helaysaan taageeradan marka laga reebo Ganacsatada iyo Jaaliyada u dhalatay Gobolka waayo labadaasiba waa kuwa caawiya gobol kasta ciyaartoygiisa markaa waxaan baaq deddega gaadhsiinayaa Ganacasatada Gobolka Salal iyo Qurba joogta Gobolka waxaan leeyahay walaala yaal waxaan idinka fadhinaa inaad maanta iskaaya garabtaagtaan si aan Guusha usoo hoyno.
Alaah Mahadleh.
Wariye:Maxamed Cawaale Daahir.
kala xidhiidh:0634570553 Xildhibaan Axmed-yaasiin.
ama 0634509177:Isuduwaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciaayaraha Gobolka Salal

N16.bmp1

Comments are closed