1 1 1
 
|

War Deg Dega:Maydka mid ka mida laba Caruura oo 7 iyo 8 Sano kala jira oo ay Bada Saylac maanta qaaday iyo maydkii labaad oo baadi goob loogu jiro.

Aashacado(SHNN)-wiil 7 jira ayaa hada maydkiisa laga helay xeeliga bada deegaanka gacaarey oo koofur bari kaga beegan bada magaalada saylac.
Waxa maanta duhurkii war dhiilo ah loo keenay Gudoomiyihii hore ee magaalada Aashacado Maxamuud Siciid Aaden oo loo yaqaano(Shabeel) warkaa soo sheegayay in la laaya’ay laba wiil oo ay walaashii dhashay wuxuuna warku intaa ku daray inay qadada ka hor u ciyaar tegeen dhinaca bada.
Raadco laga galay labadan wiil ee walaala ah ayaa waxaa hada la helay maydka mid ka mida labadii wiil halka kii labaadna baadi goobkiisa lagu jiro.
Si kastaba ha ahaatee amuurtan naxdinta leh ayaa in mudo ah la maqal caruur da’doodu kala tahay 7 jir iyo 8 jir oo bada ku haftay.
Wixii warara ee ka soo kordha Arinkan dib ayaan idiinka soo baahin doonaa.
Wariye:Maxamed Cawaale Daahir(Saylac)Bar

N16.bmp1

Comments are closed