1 1 1
 
|

Wasiirka Kaluumaysiga iyo Admiral-ka Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa goor dhawayd soo Gaadhay Magaalada Saylac.

Saylac(SHNN)-iyada oo ay la xidhiidho dhacdadii shalay ka dhacday xeebta galbeedka ee Gobolka Salal kuna geeriyooday Askari ka tirsan ciidanka xeebaha somaliland islamarkaana dhexmartay ciidamada ilaalada xeebaha ee Dalalka Somaliland iyo Djibouti ayaa waxaa goor dhaweyd magaalada saylac soo gaadhay Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka badaha Somaliland Cali Jaamac Buureed iyo Taliyaha guud ee Ciidanka ilaalada xeebaha soamaliland Admiral Maxamed Xuseen Faarax(Xiirane).
Waftigan ayaa waxay booqdeen qoyskii marxuumku ka geeriyooday oo degan magaalada lowyacado waxaana wehelinayay dhamaan maamulka gobolka salal,kuwa degmada saylac iyo taliyaasha ciidamada ilaalada xeebaha,Police-ka iyo dufaaca qaranka.
Badhasaabka gobolka salal Mr:Farxaan Xasan Cabdi oo waraysi khaasa siiyay Shabakada Shiniilenews ayaa waxa uu noo sheegay inay ujeedada waftigu tahay:
1-in lasoo xaliyo dhacdadii shalay ee ciidamada xeebaha labada dal.
2-in aaso maydkii alaha u naxariistee askarigii geeriyooday.
waxa uu intaasi raaciyay gudoomiye farxaan inay hada u ambaxeen Dalka Jamhuuriyada Jabuuti si ay ugala soo xaajoodaan xalinta arintaas.
ugu dambayn waxa uu noo sheegay inay sugayaan wasiirka wasaarada arimaha gudaha somalilan Mr:Cali Maxamed Warancade oo goor dhaw ka soo duulaya magaalada Diridhaba ee Carriga Dalka Ethiopia kana soo degayo Dalka Jabuuti.
sikasataba ha ahaatee amuurtan shalay dhacday ayaa ah mid ku cusub xuduudaha labada dal ee Somaliland iyo Djibouti oo xidhiidh qota dheeri ka dhexeeyo balse hada way degantahay xaalada guud ee Gobolka Salal.

imagesMaxamed Cawaale Daahir.
Saylac

N16.bmp1

Comments are closed