1 1 1
 
|

Qoys Reer Guuraaya oo Daad ku Qaaday Deegaanka Daba-dilaac oo ka mida Degmada Saylac.

Saylac(SHNN)-Sadex Ruux ayaa geeriyooday ka dib Daad ka dhashay ┬ároob lixaadle oo abaaro xalay fiidkii ka da’ay Deegaanka Daba-dilaac oo ka tirsan Degmada Saylac.

sadexdan ruux ee Daadku la tegay oo kala ahaa Hooyo, gabadh gashaatiya iyo waliba wiil yar oo sanad iyo badh jira islamrkaana ay hooyo u ahayd isaga iyo gabadhaba hooyada ay wada geeriyoodeen ayaa sida la sheegay reerkoodu deganaa meel daad mareen ah ka dibna waxa ku soo faafay Daadkii oo sidaana kula tegay sadexda qof.

Maydka hooyada iyo gabadha ayaa la helay xalay saq badhkii halka maydka wiilka yarna la helay saaka waabarigii.

Daadkan ayaa sidoo kale la tegay gabi ahaanba xayn adhi ah oo reerkan abaartii uga hadhay, sidoo kale Aabihii qoyskan xijaabtay ayaa safar ugu maqan dalka jabuuti oo uu reerka wax la quuto ugu raadca tegay.

Qoyskan ayaa waxaa ka hadhay oo iyagu ka badbaaday masiibadan dabiiciga ah sadex caruura oo ay dhashay hooyada wafaaday waxayna haatan taagan yihiin cidla madaw iyadoo isla maantana roobku fiican uga da’ayo Deegaankaasi,

Warkan ayaa waxaa noo xaqiijiyay Gudoomihaya Degmada Saylac Mudane Xuseen Iidle Barkhadle.

Geesta kale waxaa xusid mudan Gaadhi uu leeyahay Xafiiska Bisha cas ee Gobolka Salal oo markaa taagnaa tuulada fiqi aaden oo tuulo ahaan ugu dhaw deegaankan ayaa si fiican uga qayb qaatay gurmadka qoyskan iyo baadi goobka maydka sadexdan qof ee geeriyooday.

Maydka Hooyada iyo Gabadha ay dhashay ayaa saaka lagu xabaalay tuulada Fiqi-aaden halka wiilkii yaraa lagu aasay Deegaankii laga helay maydkiisa oo qiyaastii 10km ujirta goobtii uu daadku ka qaaday.

Si kastaba ha ahaatee Roobkan oo curashadiisii si fiican loogu diirsaday islamaanta doogiisa la daaqay meelo badan ayaa hadana waxaa barbar socda nusqaanta nimcadan oo noqotay khasaare nafeed oo joogta ah.

Wariye:Maxamed Cawaale Daahir.

Shiniilenews Saylac Office.

N16.bmp1

Comments are closed