1 1 1
 
|

Arin Mucjiso ah oo ka Dhacday Maqaamka IBRAAHIM SAYLICI ee Magaalada Saylac.

Saylac(S)HNN-Xabaashii sheekh-ibraahim saylici ee magaalada saylac ayaa waxaa ka dhacday amuur ku cusub gayiga soomaaliland ka dib markii habeen hore la arkay xabaashii sheekha oo ku dhextaala gudaha maqaamka Ibraahim Saylici oo la faqay lagana saaray lafihii sheekha!

Waxa sidoo kale la faqay lagana saaray lafihii labo ka mida afar xabaalood oo shiikha ku garab yaalay kuna Aasan yihiin sadex wiil oo sheekhu dhalay iyo xaaskiisii.

Amuurtan oo ay hada baadhisteedu ka socoto saldhiga booliska  magaalada Saylac ayaa waxa ku xeeran Tuhuno badan oo ku aadaan cida sida dhabta ah majaraha ugu haysa dhacdadan walow aan meel la dhigin Balse waxa ilaa imika u xidhan hal eedaysane kaa soo ah ilaaliye si kumeel gaadha bilii udambeeyay Maqaamka u ilaalinayay.

Ninkan ayaa sida la sheegay ka baxsaday maqaamka laba habeen ka hor markii la ogaaday dhacdadan Waxaana xalay laga soo qabtay tuulada toqoshi.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degma Saylac  Captain Xasan C/salaan  ayaa iisheegay inay baadhista Hawshaasi socoto ilaa imikana uu u xidhanyahay hal eedaysane oo ah ilaaliyihii Maqaamka waxaanu Yidh:”Dhacdadan ayaa waxa nagu soo wargeliyay isduwaha Wasaarada Awqaafta iyo arimaha Diinta ee  Gobolka Salal Sh.ibraahim awkaariye waxaan galay baadhis  ilaaliyihii Maqaamka ayaan waynay oo Baxsaday waxaanan ka soo qabanay tuulada toqoshi uuna xidhanyahay  baadhistiina way noo socotaa,

Wali macada in lafihii maqanyihiin iyo in kale dib ayaan ka sheegaynaa wixii cusub” sidaa waxa yidhi Sadex Xidigle Xasan C/salaan.

Geesta kale Sh.ibraahim awkaariye oo ah Isuduwah Wasaarada Awqaafta iyo Arimha Islaamka Gobolka Salal islamarkaana si aada uga warhaya masuuliyada maqaamka oo ku sugan magaalada borame oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa ii xaqiijiyay dhacdadan waxaanu yidhi:”markaan maqlay arinkan Waxaan la xidhiidhay ilaaliye aan si kumeel gaadha ugu dhiibay hawsha maqaamka ka dib waxaan ogaaday Inuu baxsaday waxaan la hadlay ciidanka booliska nasiib wanaag waa la soo qabtay ninkii uuna Xidhanyahay wali waan ku daba jirnaa hawhaas,wali kama dhicin arintani waana wax la yaable dib ayaan Kaaga soo sheegi doonaa wixii soo kordha.

sheekh ibraahib Baashaa (Saylici) oo asal ahaan u dhashay Dalka Turkiga ayaa isaga iyo Qoyskiisii(Xaaskiisii iyo sadex  wiil oo uu dhalay ku aasanyihiin magaalada Saylac waxaana lagu aasay 900 boqol oo sano ka hor.

siyaarada sheekh ibraahim saylici ayaa siyaaradiisa si sanadla ah loogu qabtaa magaalada saylac waxaana ka soo qayb gala boqolaal dada oo ka kala yimaada wadamada Djibouti,Ethiopia iyo Gobolada Soomaaliland.

dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xili lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan waxaana Saylac Ramadaanta u dheer cimilada oo kulayl aad u darana kaa soo keenay inay dadkii ree saylac 100%75 ka xagaa baxaan magaalada sidaana ay cidla la mood ku noqotay magaalada Saylac,waxayna wararku intaa ku darayaan inay habeenadan magaalada soo galayeen kana baxayeen baaruur Surf0-yo iyo land cruiser- ah oo shaqsiyaad wataani.

isku soo wada duuboo amuuraha ka dhaca Meelaha xeebaha ayaanay inta badan baadhisteedu keenin wax midho dhala iyo meel ay ku dhamaato  balse xaaladan ayaa cidii maqashaaba meel dheer xaalka saaraysaa maadaama magaalada Saylac meel ataarta iyo taariikhdu ku badantahay.Saylac

N16.bmp1

Comments are closed