1 1 1
 
|

Barnaamijka Ku Qiimee Wuxu Qabtay.Waa Barnaamij Gorfaynaya Waxqabadka Shaqsiyaadka haya xilalka Bulshada ee ka Soo Jeeda Gobolka Salal.

16144638_1086399748149090_307537023_n

Maxaad kala Socotaa Wax qabadka Xildhibaan Axmed-yaasiin Muxumed Barkhadle oo ka Mida Golaha Deegaanka Degmada Saylac iyo Sanadkii 2016?.

Gobolka Salal oo ka mida goboladii dambe ee Madaxweyne Daahir Rayaale Magacaabay ayaa waxaa ka dhacaday Sanadkii 2016ka abaartii ugu xumayd abid ee soo marta deegaanada xeebta Soomaaliland waxaana ku le’day xoolo fara badan,sidoo kale waxa ku barakacay xoolo dhaqato tiro badan iyadoo qaa kalena ku nafwaayeen.

Hadaba Xildhibaan Axmed-yaasiin Muxumed Barkhadle oo ah Mudanaha ugu da’da yar xildhibaanada golayaasha degmooyinka Soomaaliland waxa uu go’aan saday sidii uu umadiisa abaartu saamaysay ugu gurman lahaa isaga oo kaashanaya cidkasta oo ka damqanaysa mashaqada abaartaasi,

Xildhibaan yaasiin waxa uu la kulmay muwaadiniin reer Soomaaliland ah waxa uu ku guulaystay inuu ka soo qaado boqolaal booyadoo oo biyo ah kuwaa soo loo qaybiyay Deegaanadii ugu xumaa abaarta biyo la’aantuna u dheerayd,waxa kale oo qayla dhaantiisii ku soo gurmaday Hay’ada samo fal oo dadkii barakacay soo gaadhsiiyay Raashino iyo maacuun kale waxaana ka mid ahaa gurmadkii raashin ee ugu badnaa islamrkaana ay keeneen  muwaadiniin reer Soomaaliland ah oo is xilqaamay.

Waxa kale oo sanadkii 2016kii Gobolka ka dhacday diwaan-gelintii codbixiyaha:

Xildhibaan Axmed-yaasiin waxa uu galay sidii loo wacyigelin lahaa dadwaynaha Gobolka Salal oo inta badan ku kala maqan Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya,waxa soo baxay Dadkii ugu badnaa ee is diwaan geliya,28 maalmood oo ay socotay waxa uu hadh iyo habeen taagnaa goobaha ay diwaan gelintu ka socotay isagoo xamilay duruufo badan oo in laga gudbaa ay adkayd,waxa kale oo uu damaanad qaaday dadka kasoo gudbaya xuduuda sidii loogu fududayn lahaa baahiyaadkooda intay joogaan goobaha diwaan gelinta, dadkaasi ayaa intooda badan laga soo daabulay Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya.

Hawshani ayaa waxay xildhibaan Axmed-yaasiin u horseeday inay sumacadiisii kor u kacdo.

Muuse Biixi Cabdi oo ah Musharaxa Xisbul-xaakimka kulmiye iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maalmahaasi soo gaadhay Gobolka Salal ujeedada waftiga ayaa ahayd inay qiimeeyaan siday diwaan gelintu uga socoto Gobolada,intii uu ku sugnaa Gobolka Muuse Biixi Cabdi iyo waftigiisu waxa uu la dhacay dedaalka iyo hawlkar nimada  Xildhibaanka da’da yar.

Dhanka kale Xildhibaanku waxa uu go’aan saday sidii uu tuulooyinka hoos yimaada Gobolka looga hir gelinlahaa adeegyada waxbarashada dugsi quraanka oo aan haba yaraatee ka jirin tuulooyinkaasi.

Waxa uu la tashaday muxsiniintii biyo dhaamiska ka caawisay,ilaahay mahadii way la qaateen waxayna dhiseen xarumo Dugsi quraan iyo masaajiid lagana kala dhisay Magaalooyinka Xariirad,Habaas,C/qaadir iyo Jidhi oo laga dhisay Xarumo Madarasad quraan iyo tuulada laanta morohda oo Masjid loo dhisay.

Intaasi ka dib Xildhibaanka waxa loo magacaabay Gudoomiyha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Salal(Maashaa allaah):isagoo islamarkaana safr ku tegay  Caasimada Hargaysa safarkaas oo  qaatay mudo afar bilooda waxa uu la kulmay Masuuliyiinta Wasaarada qaarkood, isagoo hordhigay kuna qanciyay in loo baahanyahay shaqaale tayo leh oo uu Gobolka Salal ku yeesho Wasaaradahaasi?

Waxaana ugu horeeyay in loo ogolaado isuduwaha wasaarada caafimaadka Gobolka Salal oo loo magacaabay qofkii ku wehelinayay dedaalkaa dheer ee uu Xildhibaanku soo maray ee aan ka soo sheekaynay  goor walba iyo goob walba ay wada joogeen waana Yuusuf Cawaale Daahir oo hada ah isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka Salal,waxa kale oo uu soo shaqaalaysiiyay shaqaale badan kana mid yihiin:

Isuduwaha Wasaarada Warshadaha ee Gobolka Salal,Isuduwaha W asaarada Deegaanka ee Gobolka Salal,Garsooraha Maxkamada Gobolka Salal iyo shaqaale kale oo tirabadan kana mid yihii Kaluumaysiga,Xanaanada Xoolaha.maaliyada iyo Madaxtooyada.

Geesta kale waxaa la xasuuan karaa ka qayb galkii qaadhaanka Dhismaha dayrka Dugsiga sare ee Aden Bile Xariirad oo uu Xisbiga ka keenay lacag dhan 5000 $ oo doolar.

Sido kale waxa uu gacan ka gaystay kor u qaadida awooda iyo dhiiri gelinta  dhalin yarada Gobolka Salal xaga ciyaaraha oo uu agab ciyaareed oo fara badan gudoon siiyay tiraba dhawr jeer dhalin yarada Gobolka waxa kale oo uu garab waday  wacyigelinta tahriibta.

Ugu dambayn waxa uu yimid magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salal waxaanu furay Xarunta Xafiiska Xisbul-xaakimka Kulmiye ee Gobolka Salal furitaanka Xafiiskaasi waxaa ka soo qaybgalay martishaf badan oo ay ka midyihiin wasiiro,cuqaal,aqoonyahan  iyo taageerayaal aad u tira badan.

Xildhibaan Axmed-yaasiin Muxumed Barkhadle waxa uu noqday shasiga ugu waxqabka wanaagsan dhinaca masuuliyiinta iyo dhinaca shaqsiyaadka ka soo jeeda Gobolka Salal ee sanadkii dhamaaday ,waxaana hada u qorshaysan inuu soo furo Xafiisyada Xisbiga Kulmiya ee Degmooyinka hoosyimaada Gobolka Salal.

Isku soo wada duuboo waxaan odhan karnaa Xildhibaanku waxa uu ka dhabeeyay balanqaadkiisii ololaha waxa kale oo uu guul u soo hooyay Xisbiga soo wakiishay oo ah Xisbiga maanta ugu taageerada badan Gobolka Salal.

Allaah Mahad leh

War qabadka Shiniilenews Studio Saylac

N16.bmp1

Comments are closed