1 1 1
 
|

Maxay Qabtaan Madaxwaynayaasha Maraykanka Marka ay Xilka ka Degaan ?

Barack Obama waving

Barack Obama ayaa xilka ku wareejiyay madaxweyne Donald Trump oo wuxuu ka tagay Aqalka Cad oo hoy u ahaa isaga iyo qoyskiisa muddo 8 sano ah.

Madaxweynaha 44-aad ee soo maray Mareykanka, si buuxda ugama uusan hadlin waxyaabaha uu sameyn doono madaxweynenimadiisa ka dib.

Obama wuxuu ballan qaaday inuu siyaasada ku sii jiri doono. Waxaase sidoo kale laga yaabaa inuu qoro buug.

Iyadoo Obama uu ka fiirsanayo tallaabada xigta ee uu qaadi lahaa, ayaa waxaa la isweydiin karaa maxaa cashar ah oo uu ka baran karaa madaxweynayaashii isaga ka horreeyay iyo waxyaabihii ay qabteen marka ay xilka wareejiyeen.

John Adams (1797-1801)

John Adams

Ka dib markii uu muddo afar sano ah hayay xilka madaxtinnimada Mareykanka ayaa John Adams wuxuu billaabay nolol caadi ah isaga iyo xaaskiisa Abigail.

Wuxuu sii noolaa muddo 25 sano ah kadib markii uu xilka ka dagay, isagoo wakhti badan geliyay sidii uu wax u qori lahaa.

Waxay isku maalin dhinteen madaxweynihii seddaxaad ee Mareykanka Thomas Jefferson. Dhimashadooda waxay ku soo aaday 4 bisha July 1826 oo ku beegan 50 sano ka dib markii uu Mareykanka qaatay xornimadiisa.

James Madison (1809-1817)

James Madison

Markii uu xilka ka dagay James Madison wuxuu ku laabtay dhulkiisa halkaas oo uu ka tabcaday beer kuna ilaashan jiray addoomo

Wuxuu ku lug lahaa hay’ad lagu magacaabo Bulshada Gumeysiga Mareykanka oo ku dadaaaleysay inay addoomada ku celiso Afrika, arrintaasi oo waagaasi muran badan dhalisay.

William Henry Harrison (1841)

William Henry Harrison

Waa madaxweynihii sagaalaad ee soo maray Mareykanka oo xilkaasi hayay muddadii ugu gaabnayd. Sidoo kale wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee geeriyooda isagoo xilka wali hayo.

Ka dib markii uu xilkaasi hayay muddo 32 maalmood ah waxaa la sheegay inuu u geeryooday oof-wareen .

Grover Cleveland (1885-1889 and 1893-1897)

Grover Cleveland

Grover Cleveland waa ninka keliga ah ee taariikhda hal mar madaxweyne noqday, wuxuuna dib ugu soo noqday xilka sanado ka dib.

Balse markuu xilligiisii dhameystay wuxuu kaalin ka ciyaaray suuqa saamiyada si uu qoyskiisa u taaageero, wuxuuna ka sameeyay dhaqaale aad u baadan.

Theodore Roosevelt (1901-1909)

Theodore Roosevelt

Theodore Roosevelt wuxuu isku deyay inuu mar sedaxaaad noqdo madaxweyne, sanadkii 1912-kii, balse waxaa kaa guuleystay Woodrow Wilson, (Wixii ka horeeyay 1951, Mareykanka ma lahayn xilli go’an oo qofka uu madaxweyne noqon karo).

Muddo ka dib, wuxuu wiilkiisa u kexeystay sahan uu ku sameynaayay Webiga Doubt ee Brazil.

Wuxuu ku dhawaaday inuu safarkaas ku dhinto maadaaama ay malaariyo ku dhacday lugtana dhaawac ka soo gaary.

Dadka qaar ee Mareykanka ma aysan aaminsaneyn inuu wabiga ka soo taallaaabay asigoo xanuunsan oo dhaawacna ah.

Richard Nixon (1969-1974)

Richard Nixon

Fadeexaddii Watergate ayaa madaxweynihii Jamhuuriga Richard Nixon ku qasabtay inuu is casilo.

Maamulkiisa wuxuu ku lug lahaa qarinta siro badan ka dibna waxaa soo bandhigay xisbiga Dimuquraadiga. Mucaaradka waxay soo bandhigeen waxyaabo si sir ah loo duubay.

Nixon wuxuu wajahay dhibaatooyiin caaafimaaad-darro iyo dhaqaale xumo, intuu khilaafka jiray, balse ka dib wuxuu iibiyay waxyaaabihii xasuusta u ahaa, wuxuu bixiyay wareysiyo uu lacag ka helay, wuxuuna ku soo noqday masraxa caalamka

Jimmy Carter (1977-1981)
Jimmy Carter

Wuxuu markastaa ahaa tusaalaha ugu wanaagsan ee hawlaha ay qabtaan madaxweynayaasha hore.

Jimmy Carter, oo siyaasadiisii arrimaha dibadda ay wax u dhintay madaxtinimadiisa, wuxuu muddo ka shaqeynaayay arrimaha gargaarka iyo diblumaasiyadda caalamka, wuxuuna qoray dhowr buug.

Sanadkii 2002-dii, waxaa la siiyay abaalmarinta nabadda. Hadda oo uu jiro 92-sano, weli wuxuu ka shaqeeyaa mashaariicda sadaqada, sida guryo u dhisidda dadka saboolka ah ama nugul.

Barack Obama tallow muxuu sameyn doonaa (2009-2017)

Barack Obama iyo xaasikiisa Michelle Obama waxay ku dhawaaqeen in ka dib nasashada ay furanayaan waxay ugu yeereen “xarunta muwaadiniinta”, oo ay ka billaabayaan dhanka koofureed ee Chicago.

Madaxweynaha xilka ka tagay wuxuu maktabad madaxweynenimo uu ka furayaa gobolka uu ka soo jeedo.

Laakiin Barack Obama wuxuu sheegay in maktabaddiisa ay noqoneysa “xarunta muwaadiniinta”, ayna fikrado ka aruurineyso shacabka oo ku saabsan hogaamiyayaasha dhallinyarada ah iyo hay’adaha ay tahay inay taageeraan.

N16.bmp1

Comments are closed