1 1 1
 
|

TACSI:inaalilaahi wainaa ileeyhi Raajicuun.

Saylac(SHNN)-Waxa maanta magaalada jabuuti lagu aasay Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliland Marxuum C/laahi Faarax Maydhane oo saaka ku geeriyooday Magaalada Jabuuti ka dib xanuun Xalay si kedisa ugaga soo booday wadnaha kaa soo uu saakana u geeriyooday.

waxaan ka mid ahaa dadkii ka tegay Saylac ee ka soo qayb galay Aaska Marxuumka oo lagu Aasay xabaalaha xaafada pk12 ee magaalada Jabuuti,aaskaasi oo ay ka soo qayb galeen boqolaal ka mida qaraabadii marxuumka iyo Asxaabtiisii.

hadaba shaqaalaha iyo masuuliyiinta shabakada Shiniilenews waxay TACSI tiiraanyale udirayaan Ehelkii Asxaabtii iyo dhamaan cidkasta oo muuqiisa iyo magaciisa taqaanay waxayna leeyihiin Illahay Adoonkiisa aakhiro ha geeyo janada inagana Walaalayaal Samir iyo iimaan saadiqa Rabi ha inaga Siiyo.

INAA LILAAHI WAINAA ILEEYHI RAAJICUUN.

Wariye:Maxamed Cawaale Daahir.images

N16.bmp1

Comments are closed