1 1 1
 
|

Maxaa kala socda gobolka Gambella ee itoobiya

gambela1-300x272Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya, Negeri Lencho, ayaa shalay waji-gabax kala kulmaya saaxafada dalka iyo dibada mar lagu harqiye su’aalo  ku saabsan gobolka Gambella iyo nabadgalyadiisa.

Qabiilka Murle ayaa dhawaan gobolka ka afddubay 19 caruur ah kadibna ula gudbay dhanka koonfurta Suudaan. Xogtan oo horey ayna dawladu u shaacin ayaa waxaa soo qofay wariyaasha oo weydiimo ka keenay.

Lencho ayaa sheegay in dawladu ku dadaalayso sidii loo soo celin lahaa dhalaanka la afduubay balse muuna cadayn sida arrintaas ku iman karto.

Afduubka cusub ayaa ku soo beegmay xilli dawlada weli lagu dhaleecayanayo sidii ay u maamushay 151 caruur ah oo isla gobolka lagu afduubay sanadkii hore. Inkastoo dawladu xitaa ciidamo u dirtay gudaha Koonfurta Suudan si loo soo furto caruurta, haddana waxaa weli la la’ayahay 60 da’ yartaas ka mid ah.

Wasiirka ayaa daahfuray qorshe cusub oo lagu sugo amaanka xadka isaga oo tilmaamay in maleeshiyo dhan 1500 oo xadka ilaalisa la tababarayo.

Dadka ka faalooda siaaysada Itoobiya ayaa ka dayriye khatarta ay yeelan karaan maleeshiyaadka dawladu hubaynayso. Dawalada ayaa mustqabalka dhaw faa’iido ku qabta maleeshiyadka noocan ah, balse waxaa ay dhanka kale horseedi karaan dagaalo sokeeye iyo in maleeshiyadu ka hortimaado dawlada.

Wasiirka ayaa xusay in weerarada qabiilada ka sokow, ay xadka ka soo gudbaan wax uu ugu yeedhay argagixiso lagu soo tababaray Eritrea.

Gambella ayaa caan ku ah dagaalo u dhaxeeya beelaha halka wada deggan, weeraro qorshaysan oo budhacad soo abaabusho iyo jabahado ku kacsan xukuumada EPRDF.

Dawalada ayaa la tacaalaysa mashaakilaad dhawr ah oo dalka ka jira kuwaas oo ay ka mid yihiin kacdoon shacab, qoomiyado saluugsan sida wadanka loo maamulo, abaaro soo noqnoqday iyo khilaaf u dhaxeeya xisbiga talada haya.

Waxaa sheegid mudan, in dalku ku jiro xukun degdeg ah oo lagu soo rogay bishii Oktoobar si wax looga qabto amaanka oo faraha ka baxay. Ismaamulo ay ku jira ka Oramada iyo Axmaaradu ayaa la sheegay inay talada ciidanku la wareegeen sida ay sheegaan kooxaha mucaaradka ahi.

Dawlada ayaa dhankeeda ka sheegtay in xaalada degdega ahi soo celisay amaankii iyo kala danbaynta wadanka.

N16.bmp1

Comments are closed