1 1 1
 
|

Madaxweyaha itoobiya oo turkiga booqanaya

11mulatuerdgon-300x219Madaxweynaha Itoobiya, Mulatu Teshome, ayaa berrito bilaabaya booqasho 5 maalmood ah oo ku tagayo Turkiga. Madaxweynaha ayaa la kulmi doona masuuliyiinta Turkiga oo uu horseed ka yahay madaxweyne Tayyib Erdogan.

Booqashada ayaa lagaga hadli doona sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada wadan iyadaa oo lagu wado in labada dal kala saxeexda heshiisyo dhawr ah oo u badan dhanka ganacsiga iyo dhaqanka.

Madaxweyne Mulatu ayaa jagadiisu tahay mid dhanka maamuska ah isaga oo aan miisan weyn ku lahayn qorshayna iyo jaangoynta go’aamada lagu maamulo dalka.

Wafdiga u hoogaminayo madaxwyanaha Itoobiya ayaa ka qaybgali doona munaasbad lagu dhagaxdhigayo dhismaha saafarad cusub ee Itoobiya oo ka dhacaysa Ankara.

N16.bmp1

Comments are closed