1 1 1
 
|

Maraykanka oo ku talajira inuu ciidamo uu diro soomaaliya

Maraykanka ayaa qorshaynaya inuu ciidamo la dagaalamo ururka Alshabaab u diro Soomaaliya sida laga soo xigtay sarkaal sare oo Maraykan ah.

Qorshahan oo horyaala Aqalka Cad ayaa codsnaya in ciidanka gaarka ah ee Maraykanku caawiyaan kuwa Soomaaliya si loola dagaalamo ciidamada Alshabaab. Sidoo kale, ciidamada Maraykanka ayaa duqeyn kara saldhigyada falaagada Soomaalida ah.

Madaxa ciidamada Maraykanka ee ka hawlgala Afrika, jeneral Thomas Waldhauser, ayaa xusay in qorshahan lagu wiiqayo ciidamada Alshabaab si ay suurtagal u noqato in ciidamada qaranka Soomaalidu uga adkaadan xoogaga Alshabaab.

Askar gaadhaysa 50 oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ayaa hadda ka hawlgala Soomaaliya, balse waxaa la filaya in tiradooda iyo hawlgaladooda kor loo qaado inkasta oo aan weli faafaahin dheeraad ah laga bixin.

Xogtan oo lagu faafiye wargeysak New York Times ayaa sheegtay in saraakiil Maraykan ahi qorshaynayaan in ciidamada Soomaaliya loo diyaariyo iska caabinta Alshabaab marka ay baxaan kuwa Midowga Afrika oo lagu wado inay dalka ka shiraacdaan 2020-ka.

Qorshaha Maraykanka ayaa ku soo beegmay xili wadanka uu madax ka noqday Maxamad Cabdullahi oo haysta dhalashada Maraykanka.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee ka hawlgala Afrika, jeneral Thomas, ayaa sheegay inay Marayknka fursad fiican u tahay inay la shaqeeyan madaxweynaha cusub si loo tababaro ciidamada Soomalida loona gaadhsiyo heer ay Alshabaab ka adkaan karaan.

Maraykanka ayaa aad uga wlaacsan dhalanyaro Soomaali ah oo dhalshada wadankiisa haysta oo ku biiray Alshabaab. Xukuumada Washington ayaa ka baqaysa in dhalinyarado ku soo noqdaan dalkooda si ay weeraro argagixiso u fuliyaan.

Soomaaliya ayaa ka mid ah 7 wadan oo Donald Trump muwadiniintooda ka maamnuucay inay soo galaan Maraykanka muddo 3 bilood ah.

Waxaa xusid mudan, in maxkamad ku taal dalkaasi ay joojisay go’aanka madaxweynaha.

 

N16.bmp1

Comments are closed