1 1 1
 
|

Koonfurta suudan oo diiday inay hub ka heshay masar

_87074874_ssudan_salva_kiir_gHogaamiyaha Suudan, Cumar Al-bashir, ayaa sheegay in Masar hub ku caawisay dalka K Suudan. Waxa uu inta ku dary, in arrintan ay xaqiijiyeen sirdoonka dalkiisu.

Wasaarada arrimaha dibada ee K Suudan ayaa sheegtay in warka ka soo yeedhay madaxweyne Al-bashir uu yahay wax laga xumaada oo aan saxiibtinimo muujnayn. Wasaarada ayaa xustay in warkani ku soo beegmay xilli wadamada gobolku ku heshiiyeen in la iska kaashado arrimaha amaanka.

Falaagada kasoo horjeeda K Suudan ayaa horey u sheegtay in diyaaradaha ciidanka Masar ay duqeeyeen fadhiisimo ay leeyihini, hasayeeshe dawlada Juba iyo xukuumada Qaahira ayaa warka diiday.

Masar ayaa dhaqdhaqaaqyo kala duwan ka wada Geeka Afrika iyada oo arrintaas dhalisay tuhun ay qaadeen Itoobiya iyo Suudan.

N16.bmp1

Comments are closed