1 1 1
 
|

Dhacdo La Yaable Haweeney Masayrsan oo Cuntay lacag Nool Nool oo Dhan Sagaal kun oo Dollar

Doolar

Haweeney ku nool dalka Colombia ayaa cuntay lacag ay kaydsanaysay si uusan uga qaadanin ninkeedu oo khayaanay.

Sandra Milena Almeida ayaa liqday 9,000 oo doolar oo caddaan ah ka dib markii ay ka war heshay in uusan kaligeed ku ekayn oo khayaanayay.

Tallabada haweeneydan 30 sano jirka ah ayaa la ogaaday kaddib markii isbitaal loo qaaday iyadoo caloosha laga hayo.

Dhakhaatiirta ayaa baaritaan ay ku sameeyeen kaddib caloosheeda ka dhex helay waraaqo badan.

Almeida ayaa lacagta qarisay kaddib markey ogaatay in ninkeedu uu gogol dhaafsameeyay.

Markuu ogaaday in ay lacagta ka qarisay ayuuna ka dalbaday in ay siiso kala bar.

Agaasimaha qaybta qalliinka ee Isbitaalka Jaamcadda Santander, Juan Paulo Serrano, ayaa sheegay in lacag isku xiran laga soo saaray mindhicirrada haweeneydan.

“Waxay u muuqataa inuu ahaa ficil niyad-jab ah oo ay ku kacdan haweeneydan, sababo la xiriira dhibaato ay wajaheysay, oo ku kallifay inay cunto lacagta, tanina waxay dabcan saameyn ku yeelaneysaa shaqada caadiga ah ee mindhicirrada bukaanka iyo nolosheeda.” Ayuu yiri.

Almeida oo ka soo jeedda deegaanka Piedecuesta oo ku yaalla waqooyi-bari dalkaas, ayaa la filayaa inay si buuxda u soo kabato.

“Lacagta doollarka ah waa la dhaqay wayna fiican tahay, laakiin lacagta inteeda kale lama isticmaali karo sababtoo ah dheecaanka gaastriigga ee caloosha ayaa waxyeelleeyay,” ayuu yiri Serrano.

Markii lagu guuleystay in lacagta oo sideeda ah la soo saaro, Sandra Milena Almeida waxay sheegtay inay hadda lacagtaas u dhiganeyso inay ku aaddo dalxiis tamashleyn ah.

 

N16.bmp1

Comments are closed