1 1 1
 
|

Ugu Yaraan Lix Qof oo Ku dhimatay Dab Qabsaday Dabaq ku Yaala Magaalada London ee Dalka Britain

Ugu Yaraan Lix qof ayaa ku dhimatay in ka badan 50 qofna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu dab wayn  qabsaday dhisme 27 dabaq ah oo ku yaalla magaalada London,

Dad goobjoogeyaal ahna waxay sheegayaan in ay dad ku xanniban yihiin guryahooda.

Dhismaha Grenfell Tower ayaa ku yaalla Lancaster West Estate waxaana la sheegay in ilaa 200 oo dab damis ah ay la tacaalayaan xakamaynta dabka.

Booliiska ayaa sheegay in la daweeyay tiro dad ah oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Andy Moore oo ka tirsan BBC ayaa sheegay in dhismaha oo dhan uu dabku gaaray lagana cabsi qabo in uu dumi karo.

Booliisku waxay sheegeen in dad laga daad gureeyay dhismaha.

45 gawaarida dabdamiska ah ayaa loo diray goobta uu dabku ka kacay, duqa magaalada London-na wuxuu sheegay in lagu dhawaaqay in arintani ay tahay “mid wayn”.

Booliisku waxay sheegeen in ay jiraan dad ay dhaawacyo soo gaareen oo la daweeyay

Dadka ka kacay Grenfell Towe

N16.bmp1

Comments are closed