1 1 1
 
|

Kooxda Daacish oo Weerartay ku Qaaday Masaajid ku Yaala Dalka Afqaanistan

Askar ka tirsan booliska Afghanista oo jooga masaajidka qaraxu ka dhacay

Kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay weerar lagu le’day ku qaaday masaajid ku yaal caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, waxaanu masaajidkaasi ku yaal xaafad ay ku badanyihiin Muslimiint Shiicada ah ee laga tirada badanyahay.

Kooxdan xag jirka ah ee Sunniga ahi waxay caddaysay in ay iyadu masuul ka tahay weerar qof miidaame ahi isku qarxiyey masaajidka Al-Zahra oo ay ku dhinteen afar qof, waxaana sidaa baahisay wakaaladda wararka kooxda ee Al-Acmaaq.

Dadka dhintay waxa ka mid ahaa askari boolis ah iyo oday dhaqameed xaafadda aad looga yaqaanay, ahaana ninkii dhisay masaaajidkaas.

Weerarkani wuxu dhacay iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Rabadaan, waxaanu weerarku ku soo beegmay iyadoo ay afurkii daqiiqado ka hadhsanyihiin.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in saraakiil sarsare ay masaajidka ku soo socdeen si ay ugu tukadaan [oo laga yaabo in iyaga weerarkaa lala beegsanayey].

Bisha Rabadaan ayaa habeenkii Shiicadu waxay masaajidka ku qabtaan xalqado lagu xusayo shahiidnimadii Imam Cali Bin Abii Daalib.

N16.bmp1

Comments are closed