1 1 1
 
|

Baashe Maxamed Faarax oo Loo Doortay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somaliland

Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo la tartamayay Baashe

Baarlamaanka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa  doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka kaddib markii dhawaan uu iscasilay guddoomiyihii hore.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa aqlabiyad yar oo hal cod ah ku doortay Baashe Maxamed Faarax in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somaliland.

Baashe ayaa helay 39 cod halka Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo la tartamayay uu helay 38 cod.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somaliland Cabdiarxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa xilkaasi iska casilay arbacadii la soo dhaafay.

Cirro oo xilkaasi hayay muddo dheer ayaa hadda u tartamaya xilka madaxweynenimada doorasha Somaliland ka dhici doonta 13-ka Nofeembar ee sanadkan, waxa uuna musharax u yahay xisbiga mucaaridka ee Waddani.

N16.bmp1

Comments are closed