1 1 1
 
|

Uguyaraan 50 Qof oo ku Dhimatay Weerar lagu Qaaday Degmo ku taala Dalka Afqanistaan

Gerelateerde afbeelding

Saraakiil ayaa sheegay in dabley ku dileen woqooyiga Afghanistan ugu yaraan 50 qof oo dumar iyo caruuri ku jiraan.

Waxay sheegeen in dagaalyahannadaasi weerareen saldhig ciidadama nabad gelyadu ku leeyihiin degmada Sayaad ee gobolka Sar-e Pul habeenimadii sabtidii oo ay dabna qabad siiyeen guryihii u dhawaa.

Zabihullah Amani oo ah af-hayeen u hadlay maamulka gobolka ayaa sheegay in rayidka “loo laayey si arxan darro ah oo bani’aadanimada ka baxsan”.

Ilaa hadda ma cadda dableyda weerarka qaaday cidda ay ahaayeen. Taliban-kuna waxay sheegeen in ay xubno ka tirsan ciidamada nabadgelyada ku dileen weerar ay ku qaadeen deegaankaa.

Bilihii u dambeeyey ayaa dagaalada ka socda Afghanistan xoogaysteen, in ka badan 16,662 qof oo rayid ah ayaana lagu dilay sannadkan qaybtiisii hore sida ay sheegeen warbixino ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa isna ka baaraan degaya in uu kordhiyo tirada ciidamada Maraykanka ah ee taageeraya milatariga iyo booliska dalka.

N16.bmp1

Comments are closed