1 1 1
 
|

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac badan Sababay oo ka Dhacay Dalka Pakistaan

Qarax ka dhacay Pakistan

Qarax ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa waxa ugu yaraan ku dhintay 15qof halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob amaankeedu uu aad u adagyahay dabna la qabadsiiyay gawaari aggaasi u dhowaa.

Magaalada Quetta ayaa ah caasimad goboleedka Balochisyan oo mar waliba ay bartilmaamedsadaan kooxaha Islamiyinta ah waxana sidoo kale ka dhaca rabshado dambiyadeed.

Majiraan ilaa hada cid qiratay masuuliyada qaraxaasi inkastoo inta badan qaraxyada ka dhaca Afqanistan iyo Pakistaan ay sheegtaan Ururka Dalibaan iyo Alqacida .

N16.bmp1

Comments are closed