1 1 1
 
|

Dawlada Suuriya oo Sheegtay in Ciidamadeedu ay Dib ula Wareegeen Gacan ku Haynta Magaalada Deir Al Zuur

Magalada Deir ez-Zour

Warbaahinta dowladda dalka Suuriya ayaa kusoo warantay in ciidamada dowlada iyo xulafadooda ay gareen saldhig ay lahayeen ciidamada cirka ee dalkaasi oo ku yaalo dulleedka magaalada Deir ez-Zour.

Qabsashada Deir ez-Zour ayaa soo afjartay go’doon ay kooxda isugu yeerta khilaafada Islaamka ee daacish ku hayeen saldhigaasi.

Horaanti toddobaadkan, ciidamada milateriga Suuriya ee uu taageero Ruushka ayaa qabsaday qeybo kamid ah magaladaasi, waxaana halkaasi ay ku go’doomiyeen kumanaan rayid ah iyo ciidamo halkaasi ku sugnaa tan iyo sanadkii 2015-ka.

Magaalada Deir ez-Zour ayaa ah magaalo qani ku ah shidaalka, taa oo istaraateji ahaan u wanaagsan ciidamada dowladda

N16.bmp1

Comments are closed