1 1 1
 
|

Xiisad Siyaasadeed oo Ka Aloosan Dalka Spain kadib Codbixintii Catalonia

Hogaamiyaha Catalan Carles Puigdemont (bidix) iyo boqoka Spain Felipe (Midix)

Dowladda Spain ayaa ku gacan seertay baaqii uu u jeediyay hogaamiyaha Catalan, Carles Puigdemont, si waan waan loogu dhameynayo murankii ka dhashay dalabkooda madaxbanaanida Catalonia.

Xafiiska ra’iisal wasaare Mariano Rajoy , ayaa warbixin kasoo baxday lagu sheegay in dowladdu aysan aqbaleynin waxa ay ugu yeertay daandaansi.

Iyadoo ay dhawdahay suurtagalnimada in hogaamiyayaasha Catalan ay ku dhawaaqaan madaxbanaani todobaadka soo socda, ayaa dowlada Spain waxa ay ku adkeysaneysa inay kasoo horjeedo arrintaasi.

Mowqifka rasmiga ah ee Spain ayaa ah in aftididii ka dhacday Catalonia axadii lasoo dhaafay ay ahayd mid sharci daro ah, maxkamadaha Spainaa ay ku xukumeen sharci daro.

Bayaan kasoo baxay xaafiiska raisal wasaare Mariano Rajoy, ayaa looga jawaabay hadalkii hogaamiiyaha gobolka Catalan ee uu ku baaqayay in wadahadal la furo.

bayaanka ayay dowlada Spain ku sheegtay inaysan kala xaajooneyn Catolina arin sharci daro ah iyo inay aqbasho daandaansi.

Spain waxa ay intaasi raacisay in hadii Mr Puidgmont uu doonayo wadahadal ay tahay inuu sharciga dib ugu laabto, isaga oo muujinaya inuu ka laabtay hadalkiisii ahaa inuu ku dhawaaqayo madaxbanaanida Catalonia.

Dowladaha kale ee Yurub ayaa taageeray Spain,, iyaga oo sheegay in sharciga la ixtiraamo.

N16.bmp1

Comments are closed