1 1 1
 
|

Baadhitaan lagu Samynaayo Baabuur Shalay Dad Dalxiisayaal ah ku Jiidhay Magaalada London

London

Booliska magaalada London ayaa gacanta ku dhigay nin ka dib markii uu gaari jiiray dad marayay wadada dhinaceeda meel ay dalxiisayaashu ku badan yihiin oo lagu magacaabo madxafka Natural History.

Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay falkaasi, inkastoo saraakiisha booliska ay sheegayaan in dhaawacoodu uu fudad yahay.

Booliska ayaa intaa ku daray in saraakiil ka tirsan waaxda argagixisa la dagaallanka ay baarayaan sida ay wax u dhaceen.

Waxay sidoo kale sheegeen inay dhinacyo badan ka eegayaan, gaar ahaan inuu ahaa weerar argagixiso.

Heerka khatarta weerarrada ee UK ayaa hadda maraya meesha labaad ee ugu saraysa.

N16.bmp1

Comments are closed