1 1 1
 
|

Laba ka Tirsan Ciidanka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo lagu Dilay Jamuuriyada Diimuquraadiga ee Congo

Qaramada Midoobay waxaa dalka Jamhuuriyada Congo ka jooga ciidan nabad ilaalin ah

Howgalka Qaramada Midoobay ee dalka Jamhuuriyada Congo ayaa sheegay in la dilay labo askari oo ciidankooda ka mid ah.

Weerarkan ayaa dhacay ka dib markii la weeraray xero ciidanka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ay leeyihiin.

Xerada la weeraray ayaa ku taalla bariga dalkaasi meel u dhow magaaladda Beni.

Wararku waxaa kaloo ay sheegayaan in dhowr askari oo kale lagu dhaawacay weerarkaasi.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa BBC-da u sheegtay in weerarkan ay gaysteen jabhada loo yaqaano ADF.

Jabhada ADF ayaa ka dagaalanta dalka jaarka la ah Jamhuuriyada Dimoqraadiga Congo ee Uganda.

Haweenaydan Qaramada Midoobay u hadashay ayaa sheegaysa inay sidoo kale jiraan warar sheegaya in jabhadana ADF ay laayeen dad shacab ah oo saarnaa baabuur kolonyo ah maalintii axada ahayd.

Waxaana weerarkaasi la sheegayaa in lagu dilay shacab gaaraya ilaa labaatan qof.

N16.bmp1

Comments are closed