1 1 1
 
|

Hey,ada u Dooda Xaquuqda Aadahana oo Booliska Kenya ku eedaysay in ay Laayeen Dad Dibadbaxayaal ah

kenya

Hay’adda xaquuql insaanka dalka Kenya ayaa ku eedeysay booliska dalkaasi dilka ugu yaraan 37 qof oo lagu dilay hawlgal ay booliska uga hortagayeen dibadbaxyo dalka ka billowday kaddib markii la shaaciyay natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday labo bilood ka hor.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’addani, 35 qof ayaa lagu dilay rabshado socday muddo saddex maalmood ah kaddib markii boolisku ay adeegsadeen awood dheeraad ah.

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa laashay natiijada doorasahda madaxtinnimada sababo la xiriira khaladaad ka dhacay guddiga doorashooyinka dalka.

Kenya

Doorasho ku celis ah ayaa loo ballansan yahay 26 bishan basle isbahaysiga mucaaradka ayaa ku hanjabay inuu qaadacayo doorashadaasi haddii aan isbadal lagu sameyn qaar ka mid ah shaqaalaha guddiga doorashada.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiiso iyo rasaas ku kala eryay boqolaal ka tirsan taageerayaasha mucaaradka oo dalbanayay isbadal.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, Raila ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku adkeystay in uusan ka qaybgali doonin doorashada ku celiska ah, haddii aan fulin dalabkiisa.

N16.bmp1

Comments are closed