1 1 1
 
|

Dawlada Ciraaq oo Sheegtay in ay Muhiim tahay in Kurdiyiinta Wadahadal lala Yeesho

Xaider al-Abadi

Raisul wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ku baaqay wadaxaajood lala galo hogaamiyayaasha Kurdiyiinta.

Xaider al-Abadi ayaa sheegay in si loo xaliyo dhibaatada ka dhalatay aftidii madaxbanaanida ee bishii aanu soo dhaafnay ka dhacday gobolka Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq loo baahan yahay wadaxaajood.

Mr Al-Abadi ayaa hadalkan jeediyay ka dib markii ciidamada Ciraaq ay la wareegeen magaalada Shidaalka qaniga ku ah ee Kirkuk.

Madaxwaynaha Kurdiyiinya Ciraaqd ayaa sheegay in faragalinta militari ee dowladda Baqdaad ay cawaaqib toos ah ku yeelanayso aftida.

Mr Masoud Barzani ayaa dhanka kale balanqaaday in aftidii madaxbanaanida aysan guuldaraysan doonin.

Dowladda Ciraaq ayaa sharci daro ku tilmaamtay aftidii madaxbanaanida ee ka dhacday gobolka Kurdiyiinta Ciraaq.

Mareykanka ayaa dhankooda horey ugu baaqay in wadaxaajood lagu xaliyo muranka ka dhashay aftida Kurdiyiinta.

N16.bmp1

Comments are closed