1 1 1
 
|

Sacad Xariiri oo Qurshaynaaya in uu ku Laabto Dalka Libnan

Mr Macron iyo Mr Xarir

Siyaasiga reer Lubnaan, Sacad Xariri -oo si lama filaan ah isaga casilay xilka rai’sul wasaaraha Lubnaan ayaa sheegay in uu dib ugu laaban doono magaalada Bayruud maalmo guduhood.

Iscasilaada Mr Xariri ayaa dalka Lubnaan ka dhalisay muran dhanka siyaasada ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka reer Lubnaan ayaa ka shakisan in iscasiladiisa ay la xiriirto cadaadis uu kala kulmay xukuumadda Sacuudiga.

Hasa yeeshee Mr Hariri ayaa u duulay magaalada Paris shalay halkaasi oo ku casuumay madaxwaynaha Faransiiska .

Xariiri ayaa kulan uu la yeeshay madaxwayne Macron,ka dib waxa uu sheegay in maalinta xoriyada Lubnaan uu arbacada ugu dabaaldagi doono Bayruud.

Mr Xariiri ayaa iscaslay isaga oo ku sugan magaalada Riyadh taasi oo muran badan dhalisay.

N16.bmp1

Comments are closed