1 1 1
 
|

Faahfaahino Dheeriya oo ka Soo Baxaya Qaraxii Dalka Masar

Meyd yaalla Masjidul Rawda, Siinaay, Masar

Saraakiisha Masaarida ee baaraya xasuuqa dadkii lagu laayey masjid ku yaalla Siinaay ayaa sheegay in qolyihii weerarka qaaday ay siteen calanka kooxda dawladda islaamiga.

Ilaa 305 qof ayaa weerarka ku dhintay, kaasoo la qaaday intii lagu jiray salaaddii Jimcaha, welina ma jirto cid sheegatay.

Dacwad soo oogaha Masar wuxuu sheegay in ilaa 30 qof ay weerarka qaadeen.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa wacad ku maray inuu ku jawaabi doono “awoodda ugu sarraysa”.

Milateriga Masar wuxuu sheegay inuu weerarro xagga cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo “argagixiso”.

Xoogagga amniga ee Masar ayaa muddo sanooyin ah dagaal kula jiray kacdoon islaamiyiin oo ka jiray gacan biyoodka Siinaay, mintidiin gacan saar la leh kooxda dawladda islaamiga (IS) waxay ka dambeeyeen tiro weerarro lagu dhintay ah oo ka dhacay gobolkaas lama degaanka ku yaalla.

Masjidka Al-Rowda ayaa qaraxyo lagu weeraray, ka dibna tiro dabley ah oo banaanka joogay ayaa rasaas oodda uga qaaday dadkii badbaaday ee cararayey. Qaarkood ragga weerarka qaaday wajiga ayaa u daboolnaa, waxayna xirnaayeen dhar kan milateriga u eg. Daaqadaha iyo albaabada ayaa la sheegay inay dadka ka tooganayeen.

Raggaas waxay sida muuqata dab qabadsiiyeen gawaari halkaa taallay, si ay u xannibaan in dhismaha la galo, waxayna rasaas ku rideen gawaarida gargaarka degdegga ah.

30 carruur ah ayaa ku jiray dadka dhintay, tiro 100 ka bandanna way ku dhaawacmeen.

N16.bmp1

Comments are closed