1 1 1
 
|

Dalka Suuriya Duqaymo Dhanka Cirka ah oo ay ku Dhinteen Dad ka badan 50 Qof

yaman

Kooxaha u ololeeya arrimaha dalka Suuriya ayaa sheegaya in duqeymo diyaaradaha dalka Ruushka ay ka geysteen meel u dhow xudduudda dalka Ciraaq lagu dilay in ka badan 50 qof oo rayid ah.

Kooxda fadhigeedu yahay magaalada London ee dusha kala socda arrimaha Suuriya ayaa sheegeysa in guryo ay dad rayid ah deggan yihiin oo ku yaalla tuulada Al-Shafaa duqeymahaasi lala beegsaday.

Deegaanka la duqeeyay iyo deegaannada kale ee ku xeeran ayaa waxaa gacanta ku haya kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

Shalay oo sabti ahayd ayaa kooxaha xaquuqul insaanka waxa ay sheegeen in duqeymo dhanka cirka ah iyo hoobiyeyaal lagu garaacay deegaan ku yaalla afaafka hore ee caasimadda Dimishiq, halkaasi oo ay ku dhinteen in kabadan 20 qof.

N16.bmp1

Comments are closed