1 1 1
 
|

Michael Flaynn oo Sheegay in uu Been u Sheegay Hey,ada Sirodoonka Maraykanka ee FPI da

Michael Flynn oo ahaa la taliyihii arrimaha ammaanka ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

Michael Flynn oo ahaa la taliyihii arrimaha ammaanka ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qirtay in uu been u sheegay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee FBI.

Flynn ayaa lagu qasbay in uu shaqada isaga tago kadib markii uu marin habaabiyay Aqalka Cad, taas oo ku saabsanayd kulamo uu la yeeshay saraakiil ka socota dalka Ruushka.

Dacwadaha hadda loo heysto ayaa waxaa ka keenay ergeyga gaarka ah ee baaritaanka farogalinta Ruushka ee doorashooyinkii dhacay 2016-kii Robert Mueller.

Subaxnimadii jimcaha ayuu maxkamad kasoo hormuuqday Flynn, wuxuu sheegay in hadalo been abuur ah uu u sheegay FBI-da.

Labo sargaal oo sarsare oo ka tirsan kooxda Trump ayaa sidoo kale lagu heystaa arrimo ku saabsan xiriirada qarsoodida ah ee Ruushka lala yeeshay.

Qirashadan iyo dacwadda ku socota Flynn ayaa ah culees weyn oo kusoo kordhay madaxweyne Trump oo la sheegay in uu xitaa ku cadaadiyay agaasimihii hore ee FBI-da James Comey in uu dib uga joogsado baaritaankii uu ku hayay Flynn, kadibna markii dambe shaqada ka eryay Comey.

Qirashada ayaa sidoo kale cadeyn u ah in Flynn uu wadashaqayn la leeyahay xafiiska ergeyga gaarka ah ee baaritaanka fadeexadda Ruushka, lagana yaabo in xogo dheeraad ah bixin karo, kuwaas oo dhibaato ku ah Trump.

Baaritaanka Mauler ayaa la sheegay in uu dhiganayo shabaag waaweyn, kalluunkii ugu horeeyayna uu hadda kusoo dhacay.

N16.bmp1

Comments are closed