1 1 1
 
|

Saldhigyo ku Yaalada Dalka Suuriya oo ay Duqeeyeen Diyaaradaha Isra,iil

Israa'iil ayaa ka waalacsan galaangalka iiraan ee Suuriya

Israa’iil ayaa gantaalo ku garaacday saldhig militari oo ay dowladda Suuriya leedahay kaasi oo ku yaalla meel u dhaw caasimada Dimishiq.

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay gobolka Jamaraya oo ku yaalla galbeedka Dimishiq.

Koox u dooda xuquqda aadanaha Suuriya ayaa sheegtay in weerarkan lala bartilmaameedsaday xarun lagu sameeyo cilmi baarista sayniska iyo goob hubka lagu kaydiyo.

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa sheegay in saddex ka mid ah gantaaladani laga hortagay.

Militariga Suuriya ayaa diiday in ay faahfaahin ka bixiyaan weerarkan.

Balse weerarkan ayaa ku soo beegmaya xiilli laba maalmood ka hor weerar kan la mid ah ay Israa’iil fulisay.

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay in ay ka walaacasan tahay galaangalka Iiraan ee dalka Suuriya.

N16.bmp1

Comments are closed